Waaxda Ilaalinta Qaxootiga, Ogaysiiska in La yimaado, Lifaaqa A

​​COVID-19 Ka hor marka aad timaado dhegaysiga - waxa aad u baahan tahay inaad ogaato.

Sidii Guddida Socdaalka iyo Qaxootiga Canada (IRB) waxay bilaabaysaa qabashada dhegaysiga qof ahaaneed, tallaabooyinka caafimaadka COVID-19 iyo badbaadada waa la diyaariyay si loo ilaaliyo ka qayb galayaasha qolka dhegaysiga.

Fadlan ka warqab xadiditaanka soo socda:

Dacwoodayaasha: Dacwad sheegtayaasha ka yar 18 uma baahna inay soo xaadiraan Waaxda Ilaalinta Qaxootiga (RPD) dhegaysiga iyaddoo RPD ay u baahato soo xaadirka mooyaane, in kastoo o ay soo xaadiraan haddii iyaga iyo wakiilkooda la magaacabay uu rabo. RPD waxay jadwal u qabtaa dhegaysiyada si loo xaqiijiyo in shuruudaha kala fogaanshaha la buuxiyay, markaas tirada ka qayb galayaasha ee dhegaysiga way xadidnaan karaan. Fadlan ku wargeli RPD qoraal ahaan (macluumaadka xidhiidhka waxaa laga helaa Ogaysiiska inuu yimaadoo) ugu yaraan10 maalmood oo taariikhdaada dhegaysiga ah haddii aad niyada ku hayso inaad keento dacwoode kaas oo ka da’ yar 18 sano.

Goob joogayaasha: Marka tallaabooyinka caafimaadka iyo badbaadada COVID-19 ay diyaar yihiin, IRB dookheeda inay xadido tirada goob joogayaasha inuu soo xaadiro dhegaysiga, si loo xaqiijiyo shuruudaha kala fogaanshaha jidhka waa la tixgeliyaa. Fadlan ku wargeli RPD qoraal ahaan ugu yaraan 10 maalmood ka hor taariikhdaada dhegaysiga haddii goob jooge uu adiga ku soo raacayo (tusaale taageero caadifadeed wixii ah).

Markhaatiyada: Waxaad keeni kartaa markhaatiyo dhegaysigaaga. Sida waafaqsan sharciyada RPD waa inaad ku wargelisaa RPD qoraan ahaan ugu yaraan 10 maalmoodka hor taariikhdaada dhegaysiga ee magaca markhaatiga(yada), sababta caddayntooda, inta ay leegtahay caddaynta la filayo in loo qaado xidhiidhkaaga(yada) markhaatiga iyo haddii loo baahan yahay turjubaan. Waa inaad sidoo kale ku wargelisaa RPD qoraal ahaan ugu yaraan 10 maalmood ka hor taariikhda dhegaysigaaga haddii markhaatiga(yada_ uu u imanayo qof ahaan ama telefoonka. Marka COVID-19, tallaabooyinka caafimaadka iyo badbaadadu ay diyaar yihiin, haddii ay suuragal tahay, fadlan habbee in markhaati*yo) xaadir ku ahaado telefoonka.

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad la tashato tallaabooyink caafimamadka iyo badbaadada IRB marka aadhesho ogaysiiska.

Waxaa sidoo kale lagaaga baahan yahay inaad bdhammaystirto su’aalaha xog ururinta is qiimaynta.